Gudoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Gudoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat oo soo gaaray Magaalada Muqdisho18 March 2017

Gudoomiyaha Midowga Afrika  Moussa Faki Mahamat, ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho, iyadoo Ra’iisal Wasaaraha dalka uu soo dhaweeyay.

Moussa Faki Mahamat, ayaa Diyaaradii siday markii ay soo caga dhigatay Garoonka, soo dhaweyn wanaagsan wuxuu ka helay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Saraakiisha Amisom.

Intaasi kadib ayaa waxaa loo gudbiyay qaybta nasashada Garoonka Aadan Cadde, halkaasi oo Ra’iisal Wasaaraha iminka kulan ay ku wada leeyihiin.

Masuulkaan ayaa waxaa la filayaa inuu la kulmo Madaxweynaha dalka uuna kala hadlo arimaha abaaraha iyo ammaanka.

Wadooyinka Magaalada Muqdisho, ayaa maanta loo xiray imaanshaha Moussa Faki Mahamat Gudoomiyaha Midowga Afrika.

Comments