Ciidamada dowladda oo saaka xiray wadooyinka muhiimka ee Magaalada Muqdisho

Ciidamada dowladda oo saaka xiray wadooyinka muhiimka ee Magaalada Muqdisho18 March 2017

Ciidamada dowladda Federaalka Somaliya ayaa saakay xiray qaar kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, gaar ahaan wadada Makka Al-mukarrama iyo wadada Via Liberia ee Degmada Waaberi dhex marta. 

Sidoo kale ciidamada ayaa xiray wadada Buundooyinka ee toos u gasha Degmada Xamar weyne. 

Waxaa la arkayaa gaadiidka dagaalka oo lagu jaray qaar kamid ah Isgoysyada ku yaalla wadada Makka Al-mukarrama, waxaana loo diidayaa iney isticmaalaan gaadiidka dadweynaha. 

Shacabka isticmaalaya wadadaasi ayaa la arkayaa iyaga oo lugeynaya, iyadoo illaa iyo haatan aan la ogeyn ulajeedka wadadan loo xiray. 

Wararka qaar waxa ay sheegayaan sababta loo xiray wadooyinka inay tahay in Magaalada Muqdisho uu maanta soo gaarayo Gudoomiyaha Midowga Afrika ee dhawaan la doortay.

Dowladda Federaalka Somaliya ayaa looga bartay in waddooyinka magaalada Muqdisho ay xirto marka ay magaalada imaanaya wufuud caalami ah, ama ay dhacayaan shirar caalami ah.

Comments